Somali News

Cismaan Dubbe oo ka jawaabay eedeynta la xaqiirta guddiyada ee loo jeediyey DF

Muqdisho-KNN-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn maalmihii ugu danbeeyay dowladda uga imaneysa xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan musharixiinta doorashada 2020-2021-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay  tahay dowladda in lagu ixtiraamo sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyadeeda “dadku xilka markay hayaan waxay jecelyihiin in lagu ixtiraamo laakiin marka aaney hayn buuqoodu mayara”ayuu yiri

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay aad u badneyd sida uu hadalka u dhigay eedeyta loo jeedinayo dowladda ee la xiriirta Guddiyada doorashada, isaga oo tusaale u soo qaatay in dalka uu soo maray xil Oday  dhaqameedka uu kaligii soo xuli jiray xildhibaanka ka mid noqonaya Golaha Shacabka.

”Waxaa wax lala yaabo ah in hadda laga qeylinayo hannaanka doorashada loo maamulayo, waxaan xasuusta sanadkii 2012kii waqtigii Shariif Sheekh Axmed in  odayaal ay dowladdu gacanteeda ku soo qortay la dhihi jiray xildhibaanka adiga soo qoro, maantana xildhibaanka waxaa soo dooranaya 101 xubnood oo Ergada beesha kursiga iska leh ka kooban, yaa laaluushi kara”’ ayuu yiri Wasiirka.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=3725278644199567&id=468010099926454&sfnsn=wa