Somali News

Daacish oo soo bandhigtay Sawirada iyo magacyada qaar ka mid ah Xubnihii looga dilay Soomaaliya

Dagaalamayaasha Ururka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya iyo wadamo kale ayaa maanta soo bandhigay Magacyadda raggii looga dilay Soomaaliya sanadyadii ugu dambeeyay.

Daacish ayaa xubnaha ay soo bandhigtay waxaa looga dilay oo kaliya degaanada Puntland, balse sooma aysan hadal qaadin xubnihii looga dilay Koonfurta Soomaaliya.

Daacish Magacyada dadka laga dilay ayey ku sheegeyn Maxamed Makawei Ibraahim Maxamed oo u dhashay dalka Sudan.

Yuusuf  Majeerteeni oo haystay dhalashadda dalka Kanada, isla markaana ahaa Dhakhtar.

Bashiir Abu Nucmaan  ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee Daacish ee Soomaaliya, waxaa dilay Al-shabaab.

Raggaan badankood waxa ay ku baxeen gacanta Al-Shabaab, waxaana dhawaan Shabaab ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Daacish, waxaana markii ugu horreysay oo Daacish ay soo bandhigto raggii ay ka dileen Al-Shabaab.

Arintaan ayaa u muuqato mid ay Daacish ku kicineyso xubnaha u dagaalama maadaama ay dhabar-goyn ay ku haayaan Al-shabaab.