Somali News

Daahir Geelle “Dowladda waa in aysan carqaladeyn bannaabaxa Jimcaha”

Midowga Musharixiinta ayaa Hay’addaha amniga dalka ka codsaday in aysan carqaladeyn bannaabax ay ku dhowaaqeen, kaasi oo ay sheegeen in uu dhici doona Jimcaha ina soo aadan.

Afhayeenka midowga musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bannaabaxa ay dhigayaan uu yahay mid nabadeed oo lamid ah kuwa dowladda dhigto.

Sidoo kale hay’addaha amniga, gaar ahaan talyeyaasha ciidamada qalabka sida Nabad-sugada, Militiriga, Booliiska, Asuubta ayuu ugu baaqay in ay ka sugaan amniga dadka shacabka ah iyo madaxda ka qeyb-galaya bannaanbaxa.

“Waa in aan la bixin amar gaadmo ah oo dad mas’uuliyiin ah iyo mutadaahiriin lagu wax yeelanayo” ayuu yiri Daahir Geelle.

Midowga Musharixiinta ayaa maalintii shalay ku dhowaaqay bannaabax ay ku sheegeen in ay ku taageerayaan Dimuqaraadiyada iyo in dalka ay doorasho ka dhacdo.