Somali News

Dagaal culus oo maalintii seddexaad ka socda Guriceel

Waxaa maalinkii saddexaad xiisad dagaali ka dhex taagan tahay magaalada guriceel ee maamulka Galmudug.

Ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidmada dawladda federaalka ayaa ay isku hor fadhiyaan ciidammo taabacsan ururka Ahlu Sunna.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in rasaas googoos ah ayaa lagu waabariistay saakay, iyadoona cabsi badan ay ka jirta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Maalinkii shalay aha Dhawr madaafiic ayaa lagu garaacay magaalada Guriceel, iyadoona saraakiil ciidan ay ku geeriyeen dagaalka ka socda Magaaladaasi

Inkasta oo aan dagaal weyn la soo sheegin haddana xaafadaha waqooyi ee magaaladaas ayaa rasasta si goosgoos ah looga maqlayaa.