Somali News

Dagaalka Itoobiya oo ka sii daraya iyo Abiy oo shaqada ka eryey saraakiil sare

Addis Ababa-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xili uu sii xoogeysanayo dagaalka ciidamada difaaca Qaranka iyo jabhada TPLF ku dhaxmaraya gobolka Ismaamulka Tigray-ga.

Abiy xilalka ka qaaday Wasiirkii arrimaha dibadda, Taliyihii Ciidamada iyo Madaxii Sirdoonka xafiiska ra’iisul wasaare Abiy wax faahfaahin ah kama bixin sababta ka dambeysa xil ka qaadista masuuliyiintaas.

Dikreetada ra’iisul wasaare Abiy waxaa lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada Itoobiya hadda loo dalacsiiyey Taliyaha guud ee ciidmada difaaca.

Waxaa sii xogeysanaya dagaalka ka soconaya gobolka is-maamulka Tigrayga ee dalka Itoobiya, iyadoo in ka badan 100 dhaawac ah oo ciidamada dowladda ah la gaarsiiyay gobolka Amxaarada oo deris la ah gobolka uu dagaalku ka socdo ee Tigreyga.

Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid gorada la gashay dagaal sokeeye, waxaana dadka odorasa siyaasadda geeska Afrika ay leeyihiin waxaa laga yabaa in dagaalku sii fido oo gaaro gobollo hor leh, sida kan Amxaarada iyo Oromada oo haatan xasilooni badan aysan ka jirin.