Somali News

DEG DEG:-Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno xaafadda Coca Cola ee degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa goordhaw Ciidamo saldhig kulahaa la weeraray.

Muddo ayaa israaseyn xoogani socotay, balse xilligan dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in xaalku uu caadi kusoo laabanayo, inkasta oo wali rasaas goos goos ah la maqlayo.

Muqdisho ayaa wali waxaa taagan weerrarada iyo dilalka qorsheysan iyada oo dowladuna ay sheegeyso in amaanka sugitaankiisa ay la hardameyso.