Somali News

Deg deg:-Qarax gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in gaari ka buuxa walxaha qarxa oo yaalay Carwo lagu magacaabo Midnino, islamarkaana ka soo horjeeda hotel Wardheere uu ka dhacay qaraxa.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiran wadooyinka soo gala nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay.

La soco wixii ku soo kordha.