Somali News

DF Itoobiya oo shaacisay inay la wareegtay caasimada Tigray ee Mekelle

Addis Ababa-KNN-Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamada dowladda ay galeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda.

“Waxaan awood u yeelanay inaan galno magaalada Mekelle ayada oo aan la beegsan goobo dadweyne,” waxaa sidaas Abiy Ahmed kasoo xigtay taleefishinka dowladda ee EBC.

Sidoo kale Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu “si buuxda gacanta ugu dhigeen” magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

Dhanka kale, xoogagga Tigray ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.

Af-hayeenka xafiiska ra’sial wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.