Somali News

DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo war ka soo saaray xaalada Bini’aadinimo ee ka jirta dalka.

Bayaan ay si wadajir u soo saareen Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Gobolka Banaadir waxa ay ku muujiyeen xaaladda Cunno-yari ah oo ka jirta Dalka taas oo haddii aan wax laga qaban halis dhalin karta.

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye ayaa lagu gorfeeyay xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Ku dhawaad 7.7 Milyan oo ruux ayaa wajahaya dhibaatooyin nololeed oo ka dhashay Abaaraha, Fatahaadaha, Colaadda & Go’doonka ay galeen Degmooyinka qaar sida lagu muujiyay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Falanqeyn iyo qiimeyn kaddib ay diirada  saareen sidii looga jawaabi- lahaa xaaladdaha Bini’aadanimo ay wajahayaan 7.7-Milyan oo qof oo Soomaali ah iyadoo la rumeysan yahay inay sababeen xaaladdaha soo  socda:

1. XAALADDAHA ABAARAHA IYO BIYA-YARIDA DALKA.

Sida aan la wada socono qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa saameyn ku yeeshay Biya-yarida baahsan taas oo sababtay inay Xoolaha macluul iyo haraad u dhintaan.

Deegaanada ay sida aadka ah u sameeysay Biya-yarida iyo Abaarta waxaa ka mid ah:- Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

2.CUNA-YARIDA