Somali News

DFS oo Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeysay in aysan oggoleyn doorashada

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in labada madaxweyne ee dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in diideen doorasho ku salleysan heshiiskii 17 Septembar ee madaxda Soomaalida wada saxiixdeen.

“Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago hadalka dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo Puntland ayaa weli ka jawaabin eeda dowladda Soomaaliya ee ku aadan in aysan oggoleyn doorasho dalka ka dhacda.