Somali News

DFS oo dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Koofur Afrika

Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin gaaraya 49 qof oo isugu jira dhallinyaro, Hooyooyin iyo carruur, kuwaas oo ku xanibnaa dalkaasi kaddib markii Dowladda Koonfur Afrika saartay bandow, ayadoo wali ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

Muwaadiniintan oo doonayay inay dalkooda Hooyo dib ugu laabtaan ayaa ku xayirnaa dalkaas tan iyo intii uu bilowday cudurka COVID-19, waxayna Dowladda Koofur Afrika gebi ahaanba joojisay bisha March ee sanadkan safarada lagu aadi jiray Adduunka,marka laga reebo muwaadiniinta dalkooda dib ugu laabanaya.

Dadkan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika ay sameysay, waxa ayna sheegeen in Safaaradda ay qeyb weyn ka qaadatay dib u celinta dalkooda.

Dalka Koofur Afrika waxa uu ka mid yahay dalalka sida ba’an u saameeyay cudurka COVID-19, waxaana wali saaran xiyaarad inkastoo todobaadkii hore la qafiifiyay iyadoo ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.