Somali News

DFS oo loo diray baaq ku aadan wax ka qabashada xanuun xoolaha baaba’shay.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in xanuun halis ah uu dalka dilaacay.

Xildhibaanka oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in xanuunkaan uu ka soo bilowday gobolada Baay iyo Bakool isla markaasna uu gaaray deegaanno ka tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in cudurkan uu geela uga dhaco sambabaha Isla markaana uu ku dhajinayo neefta, haddii aan wax laga qabana uu ku faafi doono qeybaha kale ee dalka.