Somali News

Dhageyso:-Agaasimaha waaxda canshuuraha dekadda Muqdisho “ma ahi baxsad”

Muqdisho-KNN-Galinkii danbe ee maanta dekadda Muqdisho  waxaa gudaha ugalay,  ciidammo ka tirsan Booliska Soomaaliya,  waxa  ayna si gooniya u beegsadeen waaxda canshuuraha ee Marsada Muqdisho.

Ciidanka ayaa waxa ay soo xireen lix masuul oo ka shaqeynayay dekadda waxaana dadka la xiray ku jiray maamule ku xigeenkii furdada dekadda Muqdisho, sidoo kale ciidanku waxa ay siteen waraaq lagu soo xirayo agaasimaha waaxda canshuuraha ee dekadda Muqdisho.

Axmed Cabdullaahi Samoow agaasimaha waaxda Cashuuraha dekadda oo ka badbaaday in la xiro casar liiqii maanta ayaa KNN uwaramay caaw.

Hoos ka dhageyso codka agaasimaha.