Somali News

dhowr dil oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-KNN-Dilal dhowr ah ayaa galinkii danbe ee maanta waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. dilkii koowaad ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana halkaa lagu dilay askari lagu magacaabi jiray  Mahad Macoow Afrax.

Dilkii Labaad ayaa isna waxa uu ka dhacay  xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir, koox hubeysan ayaa dil ugeystay askari ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xoosheey Cadoow, askaragaana waxaa la sheegay in uu kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci.

Salaaddii maqrib dil kale ayaa waxaa lasoo wariyay in uu ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Isla maqribnimadii caawa waxaa nin lagu magacaabi jiray Cabdi Barre Kuusoow oo Timajare ahaa lagu dilay Xaafadda Baar ha-idhaafin ee degmada waabari, sidoo kale kooxdii wax dishay rasaastii ay furtay waxaa ku dhaawacmay qof kale oo rayid ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa joogto waxaa ka noqday dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan ciidammada Soomaaliya.