Somali News

Diyaarado dagaal oo maanta duqeyn ka fuliyay Gobalka Bay.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa maanta weerar iyo duqeymo ka fuliyay saldhig dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aan la ogaan khasaaraha rasmiga ee gaaray Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in ciidamada xooga iyo kuwa Mareykanka ay xabsi ka sii daayeen ku dhawaad 30 qof oo shacab ah.

Gudoomiye xigeenka Amniga degmada Buurhakaba ayaa KNN u xaqiijiyay duqeynta ka dhacay duleedka Degmadaasi.