Somali News

Doorashada Jabuuti oo maanta loo darreeray

Doorashada madaxtinimada ee dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimco loo darreeray, iyadoo maalmahan uu socday ololaha doorashada dalkaasi ee musharixiinta tartameysa.

Madaxweynaha taladda dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad u tartamaya xilka madaxweynimada iyadoo musharaxa kaliya ah ee la tartamaya aanu maalmihii ugu dambeyay sameynin wax ololaha ah.

Zakariye Ismaaciil waa ninka kaliya ah ee la tartamaya madaxweyne Geelle.

Ma jira guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.

Mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyagoo ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.