Somali News

Dowladaha Israel iyo Ruushka oo ka wadahadlay xaalada Suuriya.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa magaalada Moscow ee caasimada u ah dalka Ruushka kulan kula qaatay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin.

Labada hogaamiye ayaa isla soo hadal qaaday doorka ay dowlada Iran ku leedahay dagaalka kasoconaya gudaha dalka Suuriya.

Ra’iisul wasaare Netanyahu, ayaa Iran ku eedeeyay in falal argagaxiso ay kawado gudaha dalka Suuriya isagoona sidookale sheegay in Qatar ay ku haysto amniga Israel.

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda ku doodaysa in Iran ay ku joogto gudaha Suuriya codsi ay ka heshay dowlada madaxwayne Asad. 

Diyaaradaha Israel oo dhawr jeer weeraro dhanka cirka ka fulisay gudaha Suuriya ayaa sheegtay in ay labartilmaa’maydsatay fariisimo ay Ciidamada kacaanka dowlada Iran ku lahaayeen gudaha dalka suuriya.