Somali News

Dowladda oo badashay waqtigii ay shaqaaleheeda soo howl gali jireen

Muqdisho-KNN-Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is bedel ku sameysay jadwalka shaqaalaha dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan in isbedal lagu sameeyay waqtigii ay shaqaalaha dowladdu shaqada soogalayaan iyo waqtiga ay ka baxayaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Shaqaaluhu subaxdii ay shaqada soo galayaan 9:00 oo Subaxnimo ayna ka baxayaan 4:00 Galabnimo, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Halkaan ka Akhriso:-