Somali News

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Maraakiibta ka kaluumeysta Xeebaha dalka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka kaluumeysiga ee kheyraadka badda ee xukuumadda soomaaliya Cabdillahi Bidhan Warsame oo lahadlayay TV-ga ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in biyaha soomaaliya uu kusoo xadgudbay shalay markab doonayay inuu si sharci dara ah uu kaga kaluumeysto badda soomaaliya.

Markab ayuu ku tilmaamay wasiir bidhaan inay ku wargeliyeen dekadaha dowladaha dariska la ah soomaliya inuusan waxba dejin Karin qaadi akrinna islaamrkaana la xanibo si uusan u baxsan.

Inkastoo uusan shaacin wasiirka magaca markabka blse waxa uu hoosta ka xariiqay in dhowaan ay dacweyn doonto soomaaliya markabkaasi lagana qaadi doona ganaax adag.

Dhanka kale Cabdullahi bishaan Warsame wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda soomaaliya ayaa ka dalbaday kalluumeysatada soomaaliya inay kusoo wargeliyaan wasaaradda maraakiibta sharci darada kaga jalaabta biyaha soomaaliya kolka ay arkaan.

Dowladda soomaaliya ayaa kol hore wax ay dacweysay maraakiib si sharci daro ah kaga kalluumeytay biyaha soomaaliya kuwaa oo markii dambe laga qaaday lacago ganaax ah oo mutteen.