Somali News

Duqa Gaalkacyo ee Puntland oo galabta La doortay.

Gaalkacyo-KNN-Waxaa galabta Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ka qabsoomay doorashada Duqa degmada Gaalkacyo, waxaana dooranayay Golaha deegaanka gaalkacyo ee shalay la shaaciyay.

Xilka duqa degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali, waxana codeynayay 31 Xubnood oo ka tirsan Xidhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo.

Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne ayaa helay 7 Cod halka Saahid Maxamuud uu helay 23 cod, waxaana sidaasi duqa degmada Gaalkacyo loogu doortay in uu noqdo Saahid Maxamuud Cali,waxana codeynta ay aheyd mid qarsoodi ah.

Wariyaha KNN ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in hada ay socoto doorashada Guddoomiye Ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Wixii Ku soo kordha La soco