Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda Hotel Afrik

Inta la ogyahay laba askari oo ilaalada hotelka ah iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) ayaa ku geeriyooday weerarka ku bilowday qaraxa, halka wiil uu dhalay Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaale uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad shacab ah

Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ay laamaha ammaanka ka bixiyeen khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ay ku soo qaadeen Hotel Afrik oo ku yaala inta u dhexeysa Isgoyska KM4 iyo wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Weerarka inta uu socday ayaa waxaa Hotel Afrik laga soo badbaadiyay, Milkiilihii Hotelka Xuseen Goley oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, Jeneraal Galaal, Jeneraal Laba Afle, guddoomiyihii hore ee G/Galgaduud Xuseen Cirfo, iyo dad kale.

Gen Yuusuf Indha Cadde oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu sheegay in dad badan ay ciidankiisa ka soo badbaadiyeen weerarka Hotel Afrik, islamarkaana waxaa uu xaqiijiyay in dad uu yaqaano weerarka ay ku dhinteen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka weli caawa ka socda Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho