Somali News

Gaari qaraxyo ay ka buuxaan iyo xubno la socday oo lagu soo qabtay Shabeellada Hoose

Muqdisho-KNN-Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Gendarshe ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo ay sheegeen in Al-Shabaab ay ku soo wadeen magaalada Muqdisho.

Gaariga ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Danab ayaa waxa noociisu ahaa Saarif, waxaana ka buuxay noocyo kala duwan oo qaraxyo ah oo ay ka mid ahaayeen, miinooyinka dhulka lagu aaso.

Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin, waxa ay gacanta ku soo dhigeen sidoo kale xubno la socday gaarigaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay weerarada qaraxyada ah ee ay gaystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.