Somali News

Gabar ka tirsaneyd mid ka mid ah Wasaaradaha Somaliland oo lagu dilay Hargeysa

Allah ha unaxariistee, waxaa magaalada Hargeysa ee Somaliland lagu dilay Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsanayd shaqaalaha wasaarada beeraha ee xukuumadaas.

Sida ay goob-joogayaal ay sheegeen askari ka tirsan ciidanka Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa toogasho ku dilay Najma Cabdillaahi, xili ay maraysay agagaarka maxkamada oo madaxtooyaduna ay ka ag dhowdahay, waxaana ay booqanaysay habaryarteed.

Najma abaheed Cabdillaahi Maykal oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu askarigu u hiilinayay walaashii oo ay Najma is afdhaafeen, sidaa darteeda uu u dilay gabadhiisa Najma Cabdillaahi Maykal.

“Walaashii ayay is dileen oo uu u aarayay, hiil ayuu ahaa sidaas daraadeed ayuu ku dilay gabadheyda Najmo”.

Goobta uu dilka ka dhacay Ciidamo aan sidaa uga fogeyn ayaa soo gaaray, iyagoo isla markiiba gacanta kusoo dhigay askariga dilka gaystay, kaas oo isku dayay inuu baxsado, kadib markii uu gabadha xabada ku dhuftay.

Saraakiisha Ciidanka booliiska Somaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku sameenayaan sababta ka dambeysay dilka marxuumada, sidoo kale gabadha dhimatay abaheed ayaa isna codsaday in askariga dilka gaystay caddaalada la mariyo.