Somali News

Galmudug oo war ka soo saartay dadkii lagu laayay Galgaduud

Ku simaha madaxweynaha Galmudug ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta ku dhintay weerarkii ka dhacay Deeganka Xirsi lugey.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciidamada amniga Galmudug amar ku siiyay in si deg deg ah ay howl galo u fuliyaan, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaan maleeshiyaadkii Dilalka geystay.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Tilaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geystay, sida uu hadalka u dhigay