Somali News

Golaha shacabka oo sheegay in aafooyin at dalka ka dhaceen

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah guddiga beeraha ee golaha shacabka ayaa sheegay in saddexdii bil ee la soo dhaafay warbin la diyaariyay ay sheegtay in dalka ay ku dhufteen aafooyin kala duwan.

Aafooyinkaasi ayaa la sheegay inay ka dhasheen galeyda jaalada ah ee mucaawinada loo keeno dalka taa oo sababta shuban biyood ama cudurka cancer-ka.

Aafooyinka ayuu sidoo kale ku sheegay in Somaliland dhawaan lagu qabtay kunteenaro sun ah kuwaa oo loogu talagashay in shacabka Soomaaliyeed lagu wax yeeleeyo.

Xildhibaan Zakariye oo sii hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in ayaxa ku degay beeraha gobalada dalka ku yaalla ay baabi,iyeen dhul beereed gaaraya 75 hiktor.

Dalagyada cagta la mariyay ayuu ku sheegay inay ku yaalleen maamulada koofurgalbeed soomaaliya hirshabeelle galmudug iyo puntland.

Waxaa intaa sii dheer buu yiri in wasaaradaha quseeya arrintaan sida maareynta musiibooyinka iyo beeraha ay ka fureysteen dhagaha ayna dalbanayaan in golaha shacabka loogu yeero si lala xisaabtamo.

Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa intaa kaddib guddiga beeraha uxilsaaray kasoo warbixinta aafooyinkaan cusub ee dalka ku dhuftay.