Somali News

Golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta ka hadlay Shirka Ka socda Garoowe.

Kismaayo-KNN-Kulanka waxaa shir guddoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdiqadir Xaaji Maxamuud, waxaana looga hadlay arrrimaha siyaasadda, amniga, abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaa shirka warbixinno looga dhegaystay wasaaradaha Waxbarahsada, Arrrimaha gudaha, Amniga iyo Howlaha guud iyo Guryeynta.

Wasiirada Jubbaland ayaa shirkooda ku bogaadiyay shirka wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Garoowe, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen miro dhalka shirkaasi.

Wasiiradii shirka goobjooga ka ahaa ayaa isla qaatay in sida ugu dhaqsamaha badan loo sameeyo gurmadyo samafal ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee ay soo wajaheen duruufaha la socda abaaraha.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha kasoo baxay shirka golaha wasiirada Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay isla qaateen in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaarahu saameeyeen ee ku nool deegaana kala duwan ee Jubbaland.