Somali News

Sawirro:-Guddiga Doorashooyinka oo Shahaado guddoonsiiyay Xisbiga Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadada is diiwaangalinta guddoonsiiyay xisbi siyaasadeed cusub, kaas oo loogu magacaabo Xisbiga Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah xisbigaas loogu guddoonsiiyay shahaadada is diiwaan galinta, kaddib markii uu xisbugu soo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Xisbigaan ayaa waxaa guddoomiye ka ah siyaasiga Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) waxaana ku mideysan siyaasiyiin, aqoonyahanno, odoyaal-dhaqameed, iyo xubno ka kala socda dhamaan gobollada dalka, kuwaas oo qaarkood xilal ka haya deegaannadooda.

Guddoomiyaha Xisbiga oo ka hadlay munaasabadii shihaadada lagu guddoonsiiyay xisbiga ayaa yiri,  “waxaa dhawaan Xibsigu magaalada Muqdisho kusoo bandhigi doonaa munaasabad lagu shaacin-doono mabaa’dii’da xisbiga, waxaana xigi doona shirwaynaha xisbiga oo lagu dhisi doono goleyaasha iyo xafiisyada uu ku yeelanayo gobolada dalka”