Somali News

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay qaabka ay u dhici doonto doorashada.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey  ayaa maanta waxaa ay ka hadashay qaabka ay u dhici doonto doorashada  soo socota ee sanadka 2021-ka.

Waxaa ay guddoomiye Xaliimo Yarey  sheegtay in maalmaha soo aadan ay ku wajahan yihiin deegaanada Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa ay ka hadashay qaabka ay doorasho ugu dhici doonto deegaanada gacanta ku hayaan Al-Shabaab iyo deegaanada ay ka taliyaan Soomaaliland.

Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa waxaa ay madaxda dalka u soo jeedisay baaq ku aadan sidii ay ugu turi lahaayeen shacabka iyo hirgelinta nidaamyada maamul ee dastuurka.

Halkan Ka Dhageyso Warka