Somali News

Guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD oo kulamo ka wada Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdihakim Hassan ayaa maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo dalka yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Ashkir ayaa guddiga soo dhaweeyey, kuna amaanay kaalinta uu urur gobeleedka IGAD ka qaadanayo xallinta khilaafaadka gobolka, isagoo u xaqiijiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay go’antahay ilaalinta daris wanaagga isla markaana ay ka rajeynayso dhanka kale dhowrista madaxbanaanida Soomaaliya.