Somali News

Guddoomiye Cali Yare” Meydad badan ayaa buux dhaafiyay isbitaal Martiini”

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxaa uu kaga hadlay xaalada cakiran ee ka jira isbitaal martini ee magaalada Muqdisho.

Cali yare ayaa sheegay in meydad badan ay buuxdhaafiyeen bakhaarada waa weyn ee ku yaala isbitaalka Martiini, islamarkaana waxaa uu sheegay in ay isbo marayaan gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka in shacabka Soomaaliyeed ay wajihi doonaan musiibo la xiriira cudurka Covid 19, isagoona arintan ku tilmaamay culeys hor leh oo soo food saaray shacabka Soomaaliyeed.

“Isbitaalka Martiini oo aan tagay waxaa yaala musiibo bin,aadamtinnimo oo balaaran, meydka ayaa ka buuxa bakhaar weyn oo xiga dhanka Badda waxaana is dabo-maraya gaadiidka gurmadka degdega ah.

Covid19 waa musiibo markale ay wajihi doonaan dadka Soomaaliyeed waana mid ka culus kii hore.

Dad badan oo is jecel ayuu sabab u noqon doonaa in ay is waayaan . Ilaaheey hanoo dhib yareeyo. “ ayuu yiri CalI Yare Cali

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe shaacinaysa tiro yar oo ku sheegtay in covid 19 ay ugu geeriyoodeen.

Walaaca badan ayaa dadka waxaa ay ka muujiyaan cudurka covid 19 oo ku soo laba kacleeyay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.