Somali News

Guddoomiye waaxeed caawa lagu dilay Boondheere.

Muqdisho-KNN-Koox bastoolado ku hubeysnaa ayaa caawa waxaa ay Guddoomiye waaxeed ku dileen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Dhalin yarada dilka geystay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mootada loo yaqaano FEKON-ka.

Dilka ayaa ayaa waxaa uu si gaarka kaga dhacay meel aan ka fogeen isgoyska Maana-booliyo ee degmada Boondheere.

Haweeney la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Baxsaneey Boolaay, halka askar kalana la dhaawacay, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Marxuumadda la dilay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahayd guddoomiye waaxeedyada ja tirsan degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Hayeeshee marka la dilayay ayaa waxaa ay fadhisay goob Maqaayad ah oo ay la heyd islamarkaana dadka ay ku qaxweeyaan.

Dilka kaddib ayay iskaga baxsadeen kooxaha dilka geystay goobta uu falka ka dhacay iyagoona lagu sheegay inay u carareen dhanka degmada Shibis ee Gobalka banaaadir.

Ciidamada booliska ayaa durba gaaray halka uu falka ka dhacay iyagoona baaritaanno lagu goobayo dadka dilka ka dambeeyay bilaabay waxaana la sheegay inay qab qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaasi oo ay ugu shakiyeen inay ka dambeeyeen dilka ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska maana-booliyo ee degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.