Somali News

Howlgal miino baaris ah oo maanta laga sameeyay Jubbada Hoose.

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanayo deegaano hoostaga degmada Jamaame ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayeen kuwa Jubbaland ay maanta miinooyin ka soo saareen Wadooyin ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose oo Al-shabaab ay miinooyin ku aaseen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka intiisa badan laga sameeyay deegaano ku dhow degmada Jamaame,sigaar ah inta u dhaxeysa deegaanada wadada koban iyo Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgal uu socon doono ilaa Al-shabaab laga saaro deegaanada ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Miinooyinkan ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka ayaa la sheegay inay doonayeen in dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan,sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland.