Somali News

In ka badan 40 bukaan oo koronto la’aan ugu geeriyooday Isbitaalka Shifa ee Qaza

Maamulka isbitaalka Shifa ee ku yaalla Qaza ayaa sheegay dhimashada 40 bukaan ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah oo dhicis ah, tan iyo 11-kii November sababo la xiriira koronto la’aanta xarunta caafimaadka.

Warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda Gaza ee xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA) ayaa sidoo kale lagu sheegay in xalay saqdii dhexe duqeymo cirka ah oo lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha magaalada Nuseirat ee Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof halka 140 kalena ay ku hoos jiraan burburka

Ciidamada Israa’iil ayaa go’doomiyay Isbitaalka Qaza, iyaga oo bukaanka ay wajahayaan xaalad adag.