Somali News

Israel oo duqeyn ku dishay boqolaal shacab ah oo ku sugnaa Isbitaal ku yaalla Qaza

Weerar duqeyn ah ayaa gilgilay cusbitaalka Gaza, waxaana suurto-gala inay halkaas ku dhinteen boqolaal qof.

Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah.

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof.

Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”.

Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi.