Somali News

Israel oo Xabsiga ka deysay Wasiir Falastiini ah

Muqdisho-KNN-Booliska Isreal ayaa maanta xabsi sii daayey wasiirkii Falastiin u qaabilsan Arimaha magaalada barakeysan ee Qudus, kaas oo lagu magacaabo Fadi Al-Hadami.

Wasiirka ayaa saakay hoygiisa waxaa kala baxay Ciidanka amniga sida uu xaqiijiyay afhayeenka Booliska Israel  Micky Rosenfeld.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in su’aalo laga weydiiyey eedo loo heestay oo uusan shaacin waxa ay yihiin.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa sheegtay in xariga Fadi Al-Hadami uu noqonayo mas,uulkii ugu horeeyay oo darajo heerkaas ah ka haya Falastiin ay Israel xirto tan iyo markii ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin.

Balse ilo ku dhow Wasiirka ayaa sheegay in xarigaan loo aaneynayo kadib kulan maalintii Talaadada uu la qaatay Madaxweynaha Chile Sebastian Pinera, oo isagu booqday Masaajidka Al-Aqsaa ee ku yaal magaalada Qudus.