Somali News

Jaamacadda Carabta oo Suudaan ugu baaqday in xiisadda taagan lagu xalliyo wada hadal

Muqdisho-KNN-Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Geyt, ayaa walaac xooggan ka muujiyay Arrimaha kasocda  dalka Suudaan, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada Suudaan inay u hoggaansamaan heshiskii la saxiixay sannadkii 2019-ka.

Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in reer Suudaan helaan xasilooni iyo nabad, taas oo lagu gaari karo in loo hoggaansamo heshiisyadii hore loo wada galay.

Xoghayaha aayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo ciidanka Suudaan in khilaaf kasta oo jiro lagu xalliyo wada hadal si dalka looga saaro xaaladda kumeel gaarka ah.

Ciidanka Suudaan ayaa aroornimadii saakay sameeyay afgenbi, waxaana la xiray ra’iisal wasaarihii dalkaaas iyo dhowr wasir oo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Maryan Al-saadiq Al-mahdi ayaa sheegtay in shacabka Suudaan aysan raali ka ahayn afgenbi kana hor tegi doonaan.