Somali News

Kenya oo shaacisay sababta ay u codsatay dib u dhigida dacwadda badda

Dowladda Kenya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Soomaaliya ee ku aaddan sababta ay u dalbatay dib u dhigista kiiska inuu yahay arrimo la xiriira sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, waxyana sheegeen in sababaha ay ku dalbadeen dib u dhigista aysan ku jirin dood ku saabsan sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeedda arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto “khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta” oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Wasiir warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dib u dhac horleh oo ku yimaada kiiska loo ballansan yahay 15-ka March ee sanadkan ay sumcad xumo ku noqon karto maxkamadda.

“Haddii mar kale dib loo dhigo [kiiska] waxa ay dhabar jab ku tahay cadaallada adduunka iyo sumcadda maxkamadda,” ayuu sheegay wasiirka.

Waxa uu intaa ku daray in warqad ay saaka u direen maxkamadda ICJ ay ugu sheegeen inay diyaar u yihiin dhegaysiga kiiska.