Somali News

Kenya oo sheegtay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab ay Ku dileen Gobalka Jubbada Hoose.

Muqdisho-KNN-Sida uu daabacay wargayska Nairobi News sarkaal sare oo Al-Shabaab katirsan una dhashay Kenya ayaa latuhun sanyahay in uu qayb ka ahaa 40 dagaalame oo Al-Shabaab katirsan oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay ee Gobalka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa aaminsan in hogaamiyahan oo lagu magacaabo Ahmed Iman Ali oo ku magac dheer Abuu Zinaara masuul ka ahaa weerarkii 15’kii Janaayo sanadkii 2016’kii ka dhacay Ceel Cade halkaasi oo ay ku dhinteen ciidamo badan oo Kenyati ah.

Hogaamiye Abuu Zinaara ayaa sanadkii 2012’kii dowlada mareykanka waxa ay ku dartay liiska hogaamiyaasha argagaxisada oo ay doon doonayaan FBI’da.