Somali News

Kenya oo war rasmi ah ka soo saartay go’aanka ay Soomaaliya ku ceyrisay safiirkeeda

Nairobi-KNN-Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ramsi ah kasoo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ay shalay ku cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho, uguna yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayada oo u adeegsaneysa Axmed Madoobe inay carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya.

 “Dowladda Kenya waxay si qoto dheer uga xun tahay ficillada nasiib-darrada ah ee u muuqda inay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, inuu dalka ka tago, oo uu wada hadal ugu soo laabto dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka Kenya ayaa intaas ku sii daray, “Ficilkan waxaa saldhig looga dhigay eedeymo aan sal lahayn, oo ku saabsan ‘faro-gelin socota oo Kenya ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ay ixtiraamtaa, oo ay ilaalisaa mabaad’ida caalamiga ah, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

“Ujeedada dadaalladaan ayaa ah in la kobciyo nabadda, xasilloonida iyo deris-wanaagga oo dammaanad qaadaya aasaas adagna u noqonaya barwaaqada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.