Somali News

Khasaare ka dhashay Dhulgariir ka dhacay iiraan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 6.1 uu ku dhuftay gobolka Hormozgan ee dalka Iiraan subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay warbaahintu.

Dhulgariirka ayaa dhacay labadii subaxnimo wakhtiga maxaliga ah, ee dalka iiraan sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Dowladda iiran, ee Fars.

Dhul gariirka oo xuduntiisu ay ku taalay tuulada Sayehus ayaa dhulka hoostiisa waxa uu ahaa 10 KM, waxaana uu burbur xoogan u geystay tuulada iyo deegaanada ku xeeran.

Cutubyo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa loo diray gobollada uu dhulgariirka ku dhuftay si ay u xaqiijiyaan ammaanka oo ay u caawiyaan dadka.