Somali News

Khasaare ka dhashay weerar ay Militeriga Israel ku qaadeen Daanta Galbeed

Ugu yaraan hal qof oo Falastiini ah ayaa lagu dilay weerarki ugu dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen magaalada Jericho ee daanta galbeed ee la haysto aroornimadii maanta.

Israa’iil ayaa iska caabin kala kulantay weerar ay ku qaaday magaalada Jericho iyo sidoo kale Bariga Jerusalem, Nablus, Beytlaxam iyo Xebroon.

Tobaneeyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu xiray howlgalka.