Somali News

Koox u ololeyso xuquuqul insaanka oo lagu xiray safaaradda Uganda ee Kenya

Afar qof oo u ololeyso arrimaha xuququul insaanka oo u dhashay Kenya ayaa lagu xiray afaafka hore ee safaaradda Uganda ay ku leedahay Kenya, dadkan ayaa xilliggaas warbixin ku saabsan tacaddiyada booliska Uganda u bandhigayay warbaahinta, waxayna doonayeen inay cambaareeyaan arrintaas.

Waxaana haatan su’aalo weydinayaa booliska, waxaana dadkaas kamid ah agaasimaha ha’yadda xuquuqul insaanka ee Justice Africa Xuseen Khaalid iyo weriye la yiraahdo Yassah Muusa.