Somali News

Kormeerayaal loo tababaray ilaalinta imtixaanka Qaranka

Muqdisho-KNN-Wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar ugu soo gaba gabeysay in ka badan 50-kormeere oo labarayay ilaalinta waqtiga kormeerka feejignaanta lasoco-shada imtixaanka iyo mas’uuliyadda ka saaran ardayga.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay macalimiin qibrad u leh aqoonta sharciga imtixaanaadka Dugsiyada iyo waajibaadka lagu leeyahay kormeerayaasha.

Wasaaradda waxabarasha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday tababarka lagu horumarinayo kormeerayaasha kaaliyaha iyo wacyigelinta Ardayda imtixaanka galeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Yuusuf ayaa furay tababarka kormeerayaasha, qeybaha ilaalinaya qishka ardayda iyo dad sigaar ah ula socon doona habka loo qaadayo imtixaanka Qaranka 2018/2019 kaas oo maanta lasoo gaba gabeyay.

Axmed Xasan Yuusuf Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa kula dar daarmay kormeerasha dadka ilaalinaya qishka in ay si daacad ah waajibaadkooda u gutaan.