Somali News

Kulan looga hadlayay ammaanka oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko iyo Kusimaha Taliyaha hay’ada NISA Fahad Yaasiin ayaa maanta waxaa ay la kulmeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska Saldhigyada magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Janeraal Kaahiye ayaa ahaa kii u horeeyay oo meel fagaare ah ka soo muuqda Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, islamarkaana kula hadlo Maamulada degmooyinka iyo Saraakiisha ammaanka.

Inkastoo kulanka ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa hadana waxaa la diiday in sawirro iyo muuqaalo laga qaado, waxaa uuna Kusimaha Taliyaha NISA kala hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii looga feejignaan lahaa weeraro ay qorsheynayaan Al-shabaab inay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Ma jiraan wali wax Faahfaahin ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.