Somali News

Kulan ugu horeeya ee golaha shacabka oo looga yeeray wasiir Goodax Barre iyo sababta oo la shaaciyey

Muqdisho-KNN-Kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee todobaadkan, gaar ahaan kan Arbacada soo socota ayaa looga yeeray wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka dalbaday wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre inuu hor yimaado golaha, si wax looga weydiiyo imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ay qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Anigoo fulinaaya amarka guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad noogu timaadiin xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka, si aan wax kaaga weydiino natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee dalka. Waxaan idinka rajeynaa inaad timaadaan xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 21-10-2020-ka” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir.