Somali News

Lacagta Turkiga oo hoos uga dhacday suuqyada caalamka.

Ankara-KNN-Qiimaha lacagta dalka Turkiga ee Liiraha la dhaho ayaa hoos u dhacday kadib markii m/weynaha dalkaas Rajab Dayip Ordegan uu dalkaas ka eryay safiirada 10 wadan oo dalkaas ka shaqaynayay.

Marka loo eego suuqyada caalamka hoos u dhac gaarsiisan 1.6% ayaa laga dareemay qiimaha Liirada Turkiga.

War kasoo baxay bangiga dhexe ee Turkiga ayaa lagu sheegay in dawladaha reer galbeedka si ay cadaadis u saaraan xukuumadda Turkiga ay hoos u dhigeen lacagtooda.

Dhawr mar ayay hoos u dhacday lacagta Turkiga taasoo aan wax badan ka badalin dhaqaalaha wadankaas.