Somali News

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta degmada Warta naabada

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa dhagax dhiggay Maanta  xarunta degmada Warta Nabadda Ee Gobolka Bnaaadir oo alshabaab ay ku qadaeen Qarax Ismiidamin ah sanadkii aan soo dhaafnay 2019.

Xarunta Dagmada Wartanabada ayaa waxaa  qaraxaa ka soo gaaray burbur Baahsan .

Munaaasabad lagu dhagax dhigayay xaruntaan  ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobolka banadir qaar kamid ah ku xigeenada gudomiyaha gobolka  gudoomiyaha dagmada wartanabada iyo masuuliyiijn kale

Gudomiyaha Dagmada wartanabada Saynab maxamuud warsame ayaa sheegtay in marwalba ay utaaganyihiin in alshabaab ay ka ilaashtaan dagmadooda  si markale aysan werar ugu soo qaadin,

Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka ku nool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan amniga caasimada  mar uu hadlaayana waxa uu yiri

Xarunta  degmada Warta Nabadda ayaa la qarxiyay 14 May ee sanadkii hore 2019, waxaana ay ka mid aheyd xarumo degmo oo dhowr ah oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.

Qaraxaasi ayaana xusid mudan in u wax ka soo gaaray shacab halakasi ku sugaan iyo masuliyin kamid ah dagmadaasi