Somali News

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay khilaafka isaga iyo dowladda udhaxeeya

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay xarunta Jubaland ay ku shaqeyso ee Kismaayo, ayaa warbaahinta la hadlay, waxa uuna si gooniya diiradda usaaray saraakiishii dowladda ee shalay lagu joojiyay garoonka Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in taliska dowladdu soo magacaawday aanan wax tashi ah laga galin, dowladdana waxa uu ku eedeeyay in ay jabisay heshiis kala dhexeeyay.

Maanta ayaa lagu wadaa Jubaland ay dib u soo celiso hogaanka taliska Nabadda Sugidda Soomaaliya ee qeybta Jubaland.