Somali News

Madaxweynaha Jubbaland oo maalintii labaad ku sugan duleedka Kismayo.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada ku sugan jiida hore ayaa amaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii xasilooni iyo nabad ay uga hirgalin lahayeen guud ahaan Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in qaar badan oo kamid ah Ciidamada ay hayaan shaqo adag oo ay ku badbaadinayaan dadka Soomaaliyeed kagana difaacayaan Argagixisada iyadoo waliba duruufahu ay adag yihiin wuxuu intaas ku daray in dadaalkoodu uu laf dhabar u yahay soo celinta nabadgalyada guud ahaan dalka.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee ku sugan Baarsanguuni iyo Buulogaduud ayuu Madaxweynahu khudbad u jeediyay isagoo xusay in ay yihiin geesiyo aan cadowga ka gaban.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan Argagixisadu ay daadinayaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed taas oo aan diinta Islaamka raad ku lahayn loona baahan yahay in laga gilgisho.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa xalay la baryay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee ku sugan furimaha hore ee waqooyiga gobolka Jubbada Hoose isagoo sheegay in howlgalada hada la qorsheeyay ay bilaabanayaan wakhti dhow si xoriyada iyo nabadgalyada loogu soo dabaalo deegaanada wali gacanta Argagixisada ku jira.