Somali News

Madaxweyne Biden oo xayiraaddii Socdaalka ka qaaday dalal Islaam ah oo Soomaaliya ay ku jirto

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Joe Biden ayaa sheegay inuu xanibaadda ka qaaday dadka kasoo jeeda dalalka Muslimka iyo Afrika ee horey looga mamnuucay inay tagaan dalka Maraykanka.

M/weyne Joe Biden waxaa uu sheegay inuu baabi’iyay go’aankii uu m/weyne Trump Maraykanka uga mamnuucay dadka Muslimiinta ah iyo kuwa Afrikanka ah.

Khudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay waxyar kadib markii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday ayuu Biden sheegay in hadda ay Maraykanka u fasaxan yihiin dadka kasoo jeeda dalalka Muslimiinta ah.

Donald Trump ayaa sanadkii 2017 amray in dalkiisa uu ka mamnuucay dadka kasoo jeeda 13 wadan oo u badan dalalka Islamka dalalkaasna waxaa ka mid ah dalkeena Soomaaliya.

Dhanka Soomaaliya marka loo fiirsho go’aankaas waxaa uu aad u saameeyay qaxooti fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku jira xeryo qaxooti oo meelo kala duwan oo dunnida ah oo rajaynayay inay dib u dajin ka helaan dalka Maraykanka

“Trump aad buu u kala qeybiyay bulshadeena halkaan diin iyo midab midna nooma kala saarna hadda Muslimiinta iyo dadkii kaleba ee horey loo xanibayba waan ka qaadnay xayiraadii” ayuu yiri Joe Biden m/weynaha cusub ee Maraykanka.

Golaha Muslimiinta Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aankaan cusub waxaana ay sheegeen in m/weynuhu fuliyay balantii uu qaaday maalmihii uu ololaha doorashada ku jiray.

Bishii October ee sanadkaan ayuu Joe Biden balanqaaday inuu wax ka badali doono go’aanka Trump ee Maraykanka looga mamnuucay Muslimiinta inay tagaan.